Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Uganda oo wadaad Muslim ah ku dilay duleedka Magaalada Kambala

Booliska Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheekh Muhamad Abbas Kirevu uu shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaasoo sheegtay in ay daacad u yihiin kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah.

Wadaadka waxaa lagu dilay meel ka baxsan magaalada Kampala.

Waxaa sidoo kale ay booliska ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaasoo lagu eedeeyay inuu sameeyay tababarro la xiriira wax ay dowladda ku tilmaamtay argagixisanimada, dadka xagjireynta loo qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Kampala todobaadkan in ka badan 30 kalena wey ku dhaawacantay weerarka, oo IS ay sheegtay in ay ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Bashar Al-Asad oo shan cisho ka dib booqday goobaha dhulgarirka Siiriya

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyay Karar Shukri Doomey iyo Sababta keentay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

Maxkamad dambiyo culus ku heshay wiilka Madaxweyne Biden (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---