Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dowlada Boqortooyada Morooko kaasoo ku saabsan 66 guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonnimada Dalkaas
“Waxa aan hambalyo diirran u diraynaa Boqorka, Dowladda iyo Dadka Boqortooyada Marooko, munaasabadda 66 guurada ka soo wareegatay Maalinta Gobonnimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November, waxa aan u rajaynaynaa nabadgelyo iyo xasilooni waarta, horukac, xowli u socoshada dib-u-curashada iyo horumar ballaaran, xiriirka labo geesoodka ee labadeena dal ee walaalaha ah u dhexeeyana uu horseedo horumar iyo barwaaqo”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Soomaaliya ayuu sheegay iney inay xiriir dhow la leedahay Marooko, ayna si rasmi ah u furanayso safaaraddeeda dhowaan si loo xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga, lana ballaariyo iskaashiga laba geesoodka oo la gaarsiiyo dhinacyo badan.
Wasiirka ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray Saldanadda Cumman kaasoo ku saabsan 51 guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada dalaas
“Soomaaliya iyo Cumaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir walaalnimo qoto-dheer oo soo jireen ah oo sal adag oo leh qiyam, caadooyin iyo dhaqan wadaag” ayuu yiri wasiirka oo aan looga baran inuu dhambaalo noocan ah u diro madaxda dowladaha caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com