Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Xog) Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo aqbalay dalab ka yimid RW Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo beryahan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa Sabtida ku wajahan magaalada Garoowe sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Allbanaadir Online.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble ka codsaday labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland inaysan kala tegin inta uu ka imaanayo si ay shir wadajir ah u yeeshaan.

Warar ku dhow Axmed Madoobe iyop DEni ayaa sheegaya iney aqbaleen dalabka Rooble, iyadoo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu ku sii sugnaan doona Garoowe inta uu ka tagayo Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir gaar ah la yeelan doona marka uu gaaro Garoowe labada hogaamiye kaasoo looga hadlayo dardar gelinta arrimaha doorashooyinka golaha Shacabka gaar ahaanna Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Qaabilay Mauri Starckman iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo kamid noqonaya Booliiska AMISOM oo imtixaan laga qaaday

Cabdi Cade

Villa Somalia oo Faahfaahisay Ergayga loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Waxa uu qabanayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---