Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kaga qeybgalay kulan Casho Sharaf ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Garoowe.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Senatarada cusub ee dhowaan la doortay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Kulanka ayaan wax hadal-jeedin ah laga samaynin waxaana lagu koobay sawirro keliya sida ay sheegee dad ku sugan gudaha Madaxtooyada.
Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay kulamo ku lahaa beryahan magaalada Garoowe kuwaasoo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com