Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo sheegtay inuu Khasaare u geystay dagaalka ka socda Itoobiya

Jabuuti ayaa sheegtay inay khasaartay lacag balaayiin ah dagaalka Itoobiya ka socda awgeed.

In ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha Jabuuti lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Labada dal ayaa balaayiin dollar ku maalgaliyay dhismaha marin ganacsi oo si toos ah u siinaya Itoobiya inay hesho deked badeed oo ay ku jirto khad tareen oo 470 mile ah oo isku xidha dekedda Djibouti ilaa Addis Ababa.

Wasiirka Maaliyada, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa sheegay in 12-kii bilood ee u dambeeyay uu dalkiisu khasaaray lacag u dhiganta kala bar hantida qaranka, ama 1.7 bilyan oo dollar.

Tan ayuu u sababeeyey dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo sidoo kale hoos u dhac ku yimid dakhligii iyo shaqooyinkii ka socday gudaha dalka.

Dhaqaalaha dalkan ayuu sheegay inuu markii horeba la halgamayay inuu ka soo kabto saamaynta duulaanka Ayaxa, COVID-19 iyo isbeddelka cimilada.

Colaadda muddada sanadka ah ka jirtay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xumeeyay khalkhal ku yimid silsiladahii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada waddan iyada oo ganacsigu hoos u dhacay..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Sudan oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabado lacageed oo taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garbahaarey (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo Labo Diyaarad oo ay Lahaayeen Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Ku iibineysa Lacag raqiis ah !

Cabdi Cade