Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dawladda UK oo shuruud adag ku xirtay iney aqoonsato Maamulka Somaliand

Dawladda UK ayaa shaacisay inaanay dal madax banaan u aqoonsan doonin Somaliland hadii aan la helin go’aan midedeysan oo ay arrintaas ka gaaraan dalalka afrika iyo Somalia,

Wasiirka UK u qaabilsan Ingiriiska arrimaha Afrika Vicky Ford aya tilmaantay in UK ay la jaanqaadayso Beesha Caalamka inteeda kale oo aanay Somaliland u aqoonsan doonin dal madax banaan.

Wasiirku waxay tilmaantay in Somaliland iyo Soomaaliya kawada hadlaan taas ayna u taalo inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

“UK Somailand uma aqoonsan karto dal madax-banaan haddii arrintaas aysan go’aan ka qaadanin Somaliland, Soomaaliya iyo dalalka Afrika” ayey intaas ku dartay.

Waxay xustay in Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo ku guuleysatay inay sameysato maamul wanaagsan isla markaana ay mudan tahay in lagu ammaano.

Somaliland ayaa 30 sano baadi goobeysa iney aqoonsi caalami ah hesho, hase ahaatee ma jiro illaa hadda ifafaale muujinaya iney arrintaas suuaragal noqoneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye laga soo musaafuriyay Puntland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jidka Maka Al-Mukarama oo muddo la xiray & gaari qarax looga shakiyey oo.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Shaqo Joojin Caawa lagu sameeyay Gudoomiye Cabdisalaan Bashiir (Wareegto)

Cabdi Cade