Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade caawa lagu dilay magaalada Muqdisho iyo ninkii fuliyey oo la dilay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay caawa maqribkii Ganacsade ku dileen agagaarka Garaashka Macallin Nuur oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabduqaadir Muudey oo sidoo kale dhaqtar ahaa ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana uu la dhashay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabelle oo la yiraahdo Xassan Cabduqaadir Muudey, lamana oga sababta loo dilay.

Wararku waxay sheegayaan in dilka kadib ay Ciidamada amniga ay daba galeen ninka dilka geystay oo galay Guri ku yaalla xaafadda Macmacaanka waxaana halkaasi ka dhacay is-rasaaseyn dhexmartay ciidamada amaanka iyo ninka hubeysan iyadoo ciidamo badan halkaasi la geeyay.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in israsaaseynta ka dhacday gurigaas lagu dilay ninkaas ka tirsanaa Al-shabaab ee dilay ganacsadaha.

Waxay sheegeen saraakiishu in la badbaadiyey caruur ku jirtay guriga uu ninkaas ka dhex dagaalamay, haatana ay xaaladu caadi ku soo laabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddigii loo saaray xal u helida dadkii lagu laayay Gaalkacyo oo War soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga ee loo dhigay ? (Wax badan ka ogow)

Cabdi Cade

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo tagay xarunta Interpol (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---