Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo wareegto ku Magacaabay taliye ciidan iyo Taliye xigeen (Akhiso)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa soo saaray wareegto uu ku magacaabay taliyaha iyo taliye-xigeenka cusub ee ciidanka asluubta Puntland, waxayna wareegtadu u qorneyd sidatan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna  saxiixay

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab qorsheynayey duulaan cusub oo lagu laayey gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Xil: Fa’isa ”Magafayaal magaca baddeshay ayaa dhib ku haya shacabka Muqdisho”

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo labo qodob kala hadlay Wakiilka QM u qaabilsan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---