Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xusuusta dagaalkii 4 biloodka ee Muqdisho ka qarxay maanta oo kale 17-kii Nov. 1992 (Sawirro)

Maanta oo kale 17kii Novembar sanadkii 1991 waxaa magaalada Muqdisho ka qarxay dagaal socday muddo ku dhow afar bilood oo u dhexeeyey maleeshiyooyinkii ay kala hogaaminayeen madaxweynihii KMG ahaa ee xiligaas Cali Mahdi Maxamed iyo Gudoomiyihii Jabhada USC Jen. Maxamed Faarax Caydiid.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi Madaxweyne ku meel gaar  ay u doorteen xubno ka tirsanaa Jabhaddii (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yiri mid k mid ah siyaasiyiintii xiligaas joogay Xamar.

Caydiid waxaa la sheegay inuu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay.

Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon.

Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid.

Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya hase ahaatee waxaa arrintaas ka carooday Jen. Maxamed Faarax Caydiid

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh, waxaana dagaalkaas u sababay in magaalada ay kala qeybsanto labo qeybood iyadoo uu sameysmay khad cagaaran.

Dagaalkaas oo loo yaqaano dagaalkii Afar-biloodka ayaa ahaa kii ugu qaraaraa uguna saamaynta xumaa ee ka dhacay Muqdisho. Waxaana dhacay dagaal saddex maalmood socday oo horudhac u ahaa Afar-biloodka.

Labadii dhinac ee siyaasadda isku hayay, qolo waxay ku doodday in la soo weeraray oo la doonayay in la afgembiyo dowladdii Cali Mahdi. Dhinaca kale waxay ku doodeen in uu dagaalku ahaa iskuday dil oo la doonayay in lugu khaariijyo Jeneral Ceydiid.

Dagaalkii Afar-biloodka waxaa dhinac socday musiibadii bani’aadamnimo ee ugu xumeyd, inta aan la ogyahay taariikhda Soomaalida.

Abaaro iyo barakicin is watay ayaa ka dhacay gobollada Bay, Bakool iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha hoose. Dadkaas waxaa isu raacay abaaro ba’an iyo in laga dhacay xoolihii iyo keydkii badarka ee ay ku baxsan jireen xilliyada abaaraha.

Waxaa la wariyay in ay gaajo u dhinteen (ama la dilay) nus malyuun qof. Waqtigaas waxaa loo yaqaannaa “Caga-bararkii”, maxaa yeelay, waxaa aad u badnaa in la arko dad la bararay nafaqa darro. Waxaana la arki jiray waalid dhintay iyo caruurtoodii oo meydkooda iska ag fadhiya.

Gargaarkii ay hay’aduhu keeneen waxaa sababtiisa ku badbaadey malaayiin, in kastoo dhinaca kale uu dhiirrigeliyey in ay dagaallada sii daba dheeraadaaan.

Raashinkooda iyo dawadoodu waxay noqdeen awood xoog leh oo ay ku tashadaan hoggaamiyayaashii dagaalka oo ciidamadooda u helay raashin iyo dawo bilaasha ayna ka yaraadeen kharashaadkii dagaalka.

Ugu dambeyntii Ciidamada Maraykanka ayaa 9kii bishii Disembar soo galay Muqdisho, waxaana soo raaacay ciidamo ka socda beesha caalamka kuwaasoo qaatay magaca UNITAF, markii dambena u xuubsiibtay howlgal ay QM hogaamineyso UNOSOM kuwaasoo gargaarkii gaarsiiyey dadkii macluulsanaa.

11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayey labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood looga bixiyo magaalada, waxaana heshiskaas ka shaqeeyey saraakiisha ciidamada Maraykanka oo iskugu keenay Cali Mahdi iyo Caydiid safaaradii Maraykanka ee Muqdisho.

Gen. Maxamed Faarax Caydiid waxa lagu dilay Muqdisho 5-tii bishii Agoosto, 1996-kii, isaga oo weli dagaalkii sokeeye dhexda uga jira, iyadoo Cali Mahdi Maxamedna uu 25 sano 10-kii Maarso, 2021-ka ku geeriyooday Nairobi.

Ciidamada Maraykanka oo xeebaha Muqdisho soo galay 9 Disembar 1992
Ciidamada Maraykanka oo xeebaha Muqdisho soo galay 9 Disembar 1992
Ciidamada Maraykanka oo ilaalinaya gargaarka loo wado dadka macluulsanaa
Ciidamada Maraykanka oo ilaalinaya gargaarka loo wado dadka macluulsanaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sabab yaab leh lacagtii ugu jartay iskuulada wax lagu baro dadka arag la’ !!

admin

Ruushka oo ka hadlay sababta uu duqeymaha ula beegsaday dekeda Magaalada Odesa

Caydiid Ali

Dibad bax balaaran oo maanta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade