Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo digniintii ugu dambeysay ka soo saaray xaalada dalka Itoobiya

Mareykanka ayaa mar kale ku booriyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan dalka Ethiopia sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mareykanka ayaa kahor iyo kadib maalmihii ay Taalibaan soo galeen Kabul waxay soo daad-gureeyeen 123,000 oo qof oo isugu jira shacab Mareykan ah iyo Afghaaniyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda

Hase ahaatee Waxay sheegeen inaysan jiri doonin daad-gureyn la mid ah tii Afghanistan, oo maalmihii ugu dambeeyey ka hor qabashada Taliban ay militariga kasoo qaadeen kumanaan qof.

Safaaradda Mareykanka ayaa baaqan wadday maalmo, waxayna u sheegeysaa shacabka inay duulimaadyada rayidka uga baxaan dalka Ethiopia, halkaasoo ay suurta-gal tahay in mucaaradka ay u soo ruqaansadaan caasimadda Addis-Ababa.

Safaaradda ayaa lacago deyn u yaboohday kuwa aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan tikidhada dayuuradaha.

“Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo dib u celiyey liiska Safiiro la doonayey in la ansixiyo (Sababta)

Caydiid Ali

Madaxweyne Akinwumi Adesina oo Boggaadiyay Barnaamij ay Horumar ka sameesay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Mashruuc weyn oo laga fulinayo 3 maamul goboleed oo Muqdisho lagu daah furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---