Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Daniel Ortega iyo Masuuliyiin kale oo laga mamnuucay dalka Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa dalkeeda in ay yimaadaan ka mamnuucday Madaxweynaha markii afaraad dib loo doortay ee dalka Nicaragua ,Daniel Ortega iyo masuuliyiin sar sare dalkaasi xilalka ka haya.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden , ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay in dalka Mareykanka cagta soo dhigaan Madaxweyne Daniel Ortega iyo xubnaha aadka ugu dhaw dhaw kuwaa oo lagu eedeeyay in doorashadii dhacday ku shubteen.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dowladaha Canada iyo Britian ayaa horey iyana dalkooda uga mamnuucay madaxda iyo saraakiisha sar sare ee dowlada Nicaragua, waxaana sii kordhaya dowladaha waa weyn ee cambaareenaya doorashadii ugu dambeesay ee dalkaasi ka dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lugatoor oo furay shir arrin saameyn leh looga hadlayo

Caydiid Ali

Dekadda Muqdisho oo la shaaciyay in ay shaqeeneyso Habeen iyo Maalin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo ugu baaqay Siyaasiyiinta in ay yareeyaan Shakiga iyo Walaaca ay qabaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---