Allbanaadir.com
NEWS

Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii shalay ruxay magaalada Kampala

Waxaa shalay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ka dhacay labo qarax oo ismiidaamin ah, kuwaa oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo saraakiil ciidan.

Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala, waxa ayna kooxda sheegtay in qaraxyadan ku dileen 30-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawaceen.

Qoraal lasoo dhigay Wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee Amaq ayaa lagu sheegay masuuliyada qaraxyadan, waxa ayna Daacish sheegtay in Uganda kamid tahay dalalka qeybta ka ah dagaalka looga soo horjeedo Daacish.

Dowlada Uganda ayaa horey ugu eedeesay qaraxyadii shalay ka dhacay Kampala in ay ka dambeeyeen kooxda ADF ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, kooxdan ayaana horey u sheegtay in xiriir la leedahay Daacish.

Qarxyadii shalay ka dhacay Kampala waxaa fuliyay sadex nin oo waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiray, waxaana qaraxyadaasdi dowlada sheegtay in ay ku dhinteen ilaa lix qof ay ku jiraan sadexda nin ee weerarka fuliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray dhibaato ku soo korortay Muqdisho

Caydiid Ali

Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo shaqada ka ceyrisay askari ku kacay fal dad badan ka careysiiyey (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---