Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Guudlaawe oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Sida wararka ku helnay kulanka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee dhawaan lagu wado in ay ka bilaabato magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Sheekh Shariif ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabelle in laga rabo qabashada doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah, waxa uuna ugu baaqay in doorashada la dedejiyo oo lagu soo gabagabeeyo bisha December.

” Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa xiriir dhaw la leh Madaxweynaha Hirshabelle, waxa ayna labadan masuul marar badan kulamo gaar ah ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal si farsameesan booliiska Kenya ugu gacan galiyay Labo nin hubeesan oo …

Cabdi Cade

Haweeneyda 40 jirta ee waalidkeed mushahar kaga qaadata daryeelkood

Cabdi Cade

Maxaa baajiyey shirkii wada tashiga ahaa ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---