Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxdii fulisay qaraxyadii Kambala oo la shaaciyey & qof isqarxin rabay oo..

Afhayeen u hadlay Booliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxyadii ka dhacay Kambala ay ka dambeysay koox lagu magacaabo ADF oo dagaal kula jirta dowlada Ugandha.

Lix qof ayaa ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay caasimadda Uganda, saddex ka mid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.

Wuxuu intaa ku daray in qof kale oo ka mid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay la qabtay isla markaana gurigiisa laga helay Jaakadaha qarxa.

Afhayeenka u hadlay booliska wuxuu sidoo kale sheegay in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 ka mid ah dadkaas ay la il-daran yihiin dhawaacyo culus.

Kooxda ADF oo la sheego iney xiriir la leedahay Daacish ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu qaaday Kampala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow Arin Cadaadis xoogan lagu saaray Farmaajo lagana doonayo in uu fuliyo !!

Cabdi Cade

Mareykanka oo qorsheenaya in uu ka furto Latin Amerika Xarumo uu dejiyo soo galootiga

Cabdi Cade

Su’aalo laga keenay in Ronaldo Sacuudiga kula noolaan karo Saaxiibtiisa uusan wali guursan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---