Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heshiis dhexmaraya dowladaha hoose ee Muqdsho iyo Konyo oo la ansixiyey (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay in Dowladda Hoose ee Xamar heshiis saaxibtinimo oo mataaneyn ah la gasho Dowladda Hoose Konyo ee dalka Turkiya, taasi oo la filayo in dhawaan Maayarada labada Magaalo ay heshiiskaasi kala saxiixdaan.

Mataaneyntan Dhex mari doonta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladda Hoose ee Konyo ayaa waxa ay labada Magaalo iska kaashan doonaan dhinacyada Maareynta Qashinka, Tayeynta Shaqaalaha, Maareynta Bulaacadaha, Qorsheynta Magaalada iyo Qodobo kale oo Muhiim u ah Labada Dowlad Hoose.

Konya waa magaala madaxda 3aad ee dalka Turkiga, dhinaca kale waa Magaalada ugu weyn dalka oo dhan, waxaa ku xoogan xisbiga haya talada dalka oo maamula, waana xisbiga AK

Miisaaniyadeedu waa 2 bilyan oo doolar sanad kasta, Qashin lagu gubo gudaha Magaalada waxaa u danbeysey 1976-dii. Maqaayadaha ugu badan ee ku yaala Magaalada waxaa iska leh Dowladda Hoose.

Konya, waxay dhacdaa bartamaha Turkiga ee Anadolia, waxay koonfur ka xigtaa caasimadda Turkiga ee Ankara, waxaa ku nool dad ka badan laba milyan oo qof.

Magaalada waxaa aasaasay wadaadka weyn ee dariiqada Suufiyada ee Mowlaanaa, waxayna leedahay goobo taariikhi oo fac weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen oo goordhaw lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Caddaaladda iyo Wafdi la socday oo safar shaqo ku tagay dalka Masar

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo sidii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade