Siyaasiyiinta Mucaaradka gaar ahaan midowga Musharaxiinta ayaa hada ku baraarugay mudo kororsi dadban oo ay wadaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.
Doorashada Soomaaliya oo horey loogu heshiiyay in lasoo gaba gabeeyo bisha October ayaan wali dhamaan, waxaana muuqata in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ay mar kale sii jiitameyso bilooyin hor leh .
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in howl adag laga soo maray sidii looga hortagi lahaa mudo kororsigii uu damcay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna hada tilmaamay in uu socdo mudo kororsi kale oo dadban.
”Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd.” ayuu yiri Mr Warsame.
Musharaxa ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee kunool dalka iyo dibadiisa in ay u diyaar garoobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com