Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Guddiyada Doorashada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada  Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga ilaalinta qoondada haweenka.
 
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya ee lagu dooranayo deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Gaalkacyo.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in marar badan dib u dhac ku yimaadeen doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, waxa uuna faray guddiyada doorashada in sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.
Doorashada Golaha Shacabka ayaa u muuqata mid jiitameysa oo culees badan ka jiro in si toos ah loo guda galo, waxaana dib u dhaca doorashada walaac xoogan ka muujiyay siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan Midowga Musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo lagu eedeeyay in Faragalin ku hayo magacaabista Guddiyada Doorashada gobolada Waqooyi

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & odayaasha Beesha Cadaado?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---