Allbanaadir.com
NEWS

Ma dhab baa in natiijada doorashadu ku xiran tahay bixinta lacag laaluush ah?

Nairobi 2004 ayay ahayd, hal habeen ka dib markii la doortay Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Waxaan xusuustaa annaga oo ku shaaheyna Hotel Intercontinental in nin naga mid ah oo murashaxii uu dhisayay laga guuleystay uu Xildhibaan goobta fadhiyay uu si toos ah ugu yiri: war maxaad lacagta nooga qaadatay haddii aadan codkaaga na siineyn?

Xildhibaankii wuxuu ku jawaabay dalka ayaad dhacdeen, markaa lacag-ka-dhigis ayaan idinku sameyneynay. Labada saaxiib oo aad isu yaqaannay, kaftankoodu halkaa kuma istaagin laakiin intaas ayaan uga harayaa.

Tan iyo xilligaas in uu laaluush dembi yahay ka sokow, Qof kasta oo khibraddeeda leh iyo mid kasta oo u kuurgala waxaa u soo baxeysa in aan natiijada doorashadu ku xirneyn lacag laaluush ah.

Sababta oo ah codedyntu ma aha gacan Taag ee waa qarsoodi, sidaa darteedna waa xor.

Marka uu keligiis qol xiran ku jiro, qofku waxa uu doonayo iyo waxa uu diiddan yahay uma sheegto tirada lacagta xaaraanta ah ee uu qaatay.

Tusaale waxaa noogu filan natiijada doorashadii 2012 iyo tii ka dambeysay oo ahayd 2016/7 iyo xataa natiijooyinka labada Aqal ee 2021 ilaa iyo hadda.

Sidaas ay tahay waxaad intaa maqleysaa dad dhahaya murashax hebel lacag badan ayuu haystaa iyo murashax fulaan ayaa ka lacag badan, sidii in ay doorashadu tahay naado furan oo hadba qofka lacagta ugu badan bixiyaa uu kubguuleysanayo.

Lacagta ay ka hadlayaan ma aha kharashka xalaasha ah ee ku baxaya ololaha xayeysiinta, qoraallada, qadooyinka iyo cashooyinka, safarrada, kirada guryaha iyo xafiisyada, gaadiidka iyo amniga.

Waxaa ay ka hadlayaan waa laaluush. Kaas oo bixintiisa iyo qaadashadiisuba ay dembi yihiin.

Haddaba waa ayo kuwa aan ka baqeyn kana xishooneyn in ay dadka la soo hor istaagaan in doorashadu ay iib tahay?

Maxayse uga dan leeyihiin?

Kuwo waxaa jira iyada oo aan loo sheegin haddana la adeegsanay. Waxaa loo meeriyaa in doorashadu ay ku xiran tahay lacag, si goob kasta oo ay tagaan ay ugu hadaaqaan in ay doorashadu iib tahay.

Marka laga tago isma ogaha la adeegsanayo, waxaa jira saddex kooxood oo kala ujeeddo ah oo hadalkan soo celceliya, si ay ugu wasakheeyaan maannka inta kale.

Kooxda koowaad waa murashaxiin haysta ama lagu tuhmayo lacag Dowladeed. Ha noqoto mid Soomaali laga dhacay ama mid ay bixisay Dowlad shisheeye oo dooneysa in ay soo saarto Madaxweyne Soomaaliyeed oo Madaxiisu iyada u furan yahay.

Waxaa qoray: Yuusuf Garaad Cumar
Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia

Related posts

Sargaal katirsanaa Ciidanka Booliisaka oo lagu dhax dilay Guriga Taliye Xijaar

Cabdi Cade

Kulamaada Baarlamanka Somalia oo la joojiyey illaa amar dambe iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga oo qodobo Muhiim ah kala hadlay wafdi ka socday Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---