Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliska Britain oo War ka soo saaray qarax ka dhacay Magaalada Liverpool (Sawirro)

Booliska ayaa waxay ku dhawaaqeen inuu ahaa fal argagaxiso ahaa qarax ka dhacay bannaanka Isbitaalka Haweenka ee Liverpool maalintii Axadda shalay

Gaari taksi ah ayaa ku qarxay banaanka isbitaalka, waxaana halkaas ku dhintay rakaabkii gaariga saarnaa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday.

Afar nin ayaa lagu xiray magaaladaas, kuwaasoo lala xiriirinayo falkii Axaddii dhacay.

Madaxa La-dagaalanka Argagaxisada ee Waqooyi Galbeed Russ Jackson Rakaab taksiga raacay ayaa lagu tuhunsantahay inuu ka dambeeyey qaraxa sida uu sheegay

Russ Jackson ayaa sheegay in u fahamsan yahay in dareewalka Delta Taksi uu qof rakaab ah ka soo qaaday waddada Rutland Avenue, oo u dhow Sefton Park, Axaddii. waxa uuna codsaday in la geeyo Isbitaalka Haweenka Liverpool

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Cali Kheyre ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Gabar dhalinyaro ah oo isku del deshay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Baledweyn kula shiray Wakiillo ka socday Q/M (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---