Allbanaadir.com
JUBALANDNEWSPUNTLAND

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe, si diiran loogu soo dhoweeyey (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Axmed Madoobe ayaa kulamo Garoowe kula yeelan doona Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka iyo guud ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Kulanka Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la guda galayo  doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo shaaciyey xiliga dib loo bilaabayo dhimista ciidanka ATMIS

Caydiid Ali

Ma dhab baa guusha dowlada Somalia ka sheegatay arimaha dayn cafinta (Warbixin)

admin

Sagaal ka mid ah Shaqaalaha Q/Midoobay ee Gaza oo duqeyn lagu dilay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---