Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Lamaane xiisad diblomaasiyadeed ka dhex qarxiyey Turkey iyo Israel

Wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay xireen lamaane dhashay Israa’iil Jimcihii, iyagoo lagu eedeeyay inay basaasayeen ayna sawir ka qaadeen guriga Madaxweyne Erdogan, iyaga oo dusha ka saarnaa daarta Çamlıca Tower, oo ah daar dheer oo Istanbul ku taalla.

Anadolu ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaha uu ku wargaliyay booliska kadib markii uu arkay lamaanaha oo sawiro ka qaadanaya qasriga Erdogan iyaga oo ku sugan e maqaayada Burj.

Lamaanahan da’doodu ay 40-sano jir tahay ayaa u dhoofay dalka Turkiga si ay ugu soo dabbaal-degaan dhalashada mid ka mid ah.

Balse si lama filaan ah ayaa loo waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey Channel 12 oo ah telefishin Israa’iil ka howlgala.

Warka ayaa intaa ku daraya in xaaska Natalie ay muuqaal ka soo duubtay guri ku yaala Istanbul, iyada oo ka dib-na WhatsApp-ka ugu dirtay xubno ka mid ah qoyskeeda kuna qortay, “Maxaa ka qurux badan gurigan.”

Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa beenisay dowladda Israa’iil, waxayna arrintan horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo labada dhinac ka dhex aloosantay.

Israa’iil ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u sii deyn lahayd lamaanahan ku xiran Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay eedeymaha madaxda Turkiga ee ah in ay xireen laba basaas oo Israa’iili ah, wuxuuna xaqiijiyay in uu la xiriiray lamaanahani lagu kala magacaabo Natalie iyo Mordi Oknin.

Bennett wuxuu sheegay inuu u xaqiijiyay mas’uuliyiinta Israel in lammaanahan “aysan ka tirsanayn sirdoonka Israa’iil.

Rai’sul Wasaaraha Israa’iil ayaa xusay in lamaanaha la xiray ay darawal bas ka ahaayeen bartamaha Israa’iil.

Bishii hore, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in 15 qof la xiray, kuwaasoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil iyo inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Natalie iyo Mordi Oknin
Natalie iyo Mordi Oknin
Natalie iyo Mordi Oknin
Natalie iyo Mordi Oknin
HOYGA MADAXWEYNE ERDOGAN
HOYGA MADAXWEYNE ERDOGAN
Çamlıca Tower
Çamlıca Tower

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo lagu soo dhoweeyey Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo caawa la caweeyey qaar ka mid ah shacabka Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Kenya oo xabsiga dhigay nin Ajnabi ah oo dil argagax leh u geestay Ardayad

Cabdi Cade