Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ku wajahan saacadaha soo socda Magaalada Dhuusamareeb ee xrunta Maamulka Galmudug.
Wafdi horudhac ah oo ay ka mid yihiin ilaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay iney shalay gaareen magaalada Dhuusamareeb.
Rooble ayaa booqan doona Xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo masuuliyiin kale..
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan sheegay inuu booqashooyin ku tagayo xarumaha Dowlad Goboleedyada, taasoo uu kula soconayo arrimaha doorashooyinka, waxaana socdaalkan loo arkaa inuu qeyb yahay fulinta balan-qaadkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com