Allbanaadir.com
NEWS

Howlwadeeno ka tirsan Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddaha oo la abaalmariyey (Daawo Sawirro)

Munaasabad sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta shahaadooyin iyo abaalmarino lagu gudoonsiyay madax iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Somalia oo noqday xubnihii ugu shaqada badnaa Hay’adda sanadka 2017- 2018.

Xubnaha abaalmarinada iyo shahaadoyinka la gudoonsiyay ayaa waxa ay ka howlgalaan xafiisyada ay Hay’addu ku leedahay safaaradaha Soomaaliya ee dalalka dibada, xafiisyada laamaha ee ka howlgala gobolada dalka iyo xarunta dhexe ee Hay’adda oo ku taala Muqdisho.

Waxaa ay saraakiisha ku muteysteen abaalmarinta shaqo wanaag, xifdinta amaanada iyo sida ay ugu nugul yihiin u adeegida bulshada.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Somalia G/Sare Koofi oo goobjoog ahaa munaasabada shahaadooyinka lagu gudoonsiyay saraakiisha ayaa u hambalyeeyay saraakiisha la abaalmariyay sidoo kalena saraakiisha kale ayuu kula dardaarmay inay ku daydaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo caawa ka dhacay duleedka Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo saakay lasoo dhoobay Muqdisho iyo Wadooyin badan oo la xiray

Cabdi Cade

Labo Wadan oo Muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan dalka Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---