Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tahriibayaal muddo dul sabeynayey badweynta oo la helay Meydadkooda

Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in siddeed qof oo tahriibayaal ah ay dhinteen kaddib markii doonidii ay la socdeen ay muddo toddobaad ka badan dul-sabaynaysay badweynta Atlaantiga

Sidoo kale kooxaha Gurmadka deg dega ah ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta loogu yeeray doon ay saarnaayeen laba iyo lixdan qof.

Toddoba qof ayaa hore u dhintay, halka qof siddeedaadna wuxuu dhintay goor dambe, kuwaasoo doontii waday laga helay ee koonfurta jasiiradda Gran Canaria.

Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah sababtoo ah xaalladooda ayaa liidatay.

Habeenimadii Sabtida ee aynu ka soo gudubnay-na, soddon iyo lix qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doon kale oo badda ah.

Jasiiradaha Canary waa marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee isku dayaya inay galaan wadamada Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Saciid Deni kala hadlay xubnaha Puntland ku metela DF?

Caydiid Ali

Qarax Miino oo ay Diyaariyeen Dagaalyahanada Al Shabaab oo la fashiliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Natiijo hordhac ah oo laga soo saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---