Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Afrika oo quus ka taagan joojinta dagaalka ka socda Itoobiya

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay xaalada Itoobiya isagoo sheegay in wadahadal aan nabad looga dhalin karin Itoobiya inta uu dagaalku soconayo.

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal.

Kooxda TPLF ayaa sheegay inaysan wax gorgortan ah la geli karin dowladda ilaa maamulka federaalku ogolaado in gargaar la gaarsiiyo gobolka Tigray.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in Tigray looga baahan yahay iney garwaaqsadaan sharcinimada dowladda ayna ka baxaan gobollada Axmaarada iyo Canfarta.

Olusegun Obasanjo ayaa booqday Magaalada Addis ababa iyo caasimada gobolka Tigray ee Makelle, isagoo kulamo la qaatay madaxda Itoobiya iyo Jabhada TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergaygii gaarka ahaa ee Midowga Afrika u soo Magacaabay Somalia oo iscasilay

Caydiid Ali

Banaan baxa ay ku baaqeen Musharaxiinta iyo Cabsida lasoo daristay shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay deeq loo fidiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---