Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadeyntii laga dhex waday Galmudug & kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo fashilantay

Waxaa fashil ku dhamaatay Waanwaan muddo ku dhow labo todobaad laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna hubeysan ee ku sugan degaanka Bohol ee gobolka Galgaduud

Taliyaha guutad 6aad ee ciidanka Xoogga dalka General Laba-Afle oo hogaaminayey xubnaha nabadeynta waday oo ka soo laabtay degaanka Bohol ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay ku sheegay in Ahlusunna ay ka socon weysay dedaalkii nabadeed ee ay wadeen.

“Dadaal dheer ayaan sameynay saraakiil ahaan, waxaan Bohol joognay 12-maalmood si aan ragga halkaas jooga uga baajino in dhiig dambe daato balse way naga diideen wax kasta oo aan xal ahaan u wadney, iyagoo ku adkeystay aragti aan soconeynin oo uu horey u sheegay hoggaamiyohooda, waana ka soo laabaney.” ayuu yiri General Laba-Afle.

Taliye Laba-Afle ayaa uga mahad celiyay Madaxwayne Qoorqoor sida uu fursadan u siiyay, isagoo sheegay in go’aanka nimankaasi laga qaadanayo yahay mid u yaala dowlada iyo cidii amniga shuqul ku leh.

Kooxda hubeysan ee Ahlusuna  oo dhowaan dagaal looga saaray degmada Guriceel ayaa abaabul ka wada degaanka Bohol, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhexmaro iyaga iyo ciidamada Galmudug, maadaama ay fashilantay waanwaantii la waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qorax Madoobaadkii ugu xumaa mudo 375 sano ah oo laga arkay Latin America

Caydiid Ali

Deg Deg :Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goordhaw lagu doortay Garawe

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo nolosha lagu qabtay isaga iyo hubkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---