Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Kenyatta oo gaaray Addis Ababa, si diirana loo soo dhoweeyey (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa galabta  gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa garoonka dayuuradaha Bole si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweyne  Uhuru kenyatta.

“Walaalkeyga qaaliga ah madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa lagugu soo dhaweynayaa gurigaaga labaad,” ayuu ra’iisul-wasaare Abiy ku soo qoray bartiisa bulshada.

Booqashada Uhuru Kenyatta ayaa imanaysa xilli ay Itoobiya ka socdaan dagaal sii huraya oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo Xukumadda Abiy Ahmed.

Midowga Afrika  iyo reer galbeedka ayaa Abiy Ahmed iyo TPLF ka dhex wada waan waan si xal looga gaaro dagaalka sanad jirsaday ee ka socda gudaha Itoobiya Inkastoo rajada laga qabo xabad joojin iyo wadahadal ay aad u yar tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Guutada Abuu Dujaana oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo xilka la wareegay

Cabdi Cade

Qareenadii Difaacayay Donald Trump oo dhabarka xijiyay iyo Walaac lasoo darsay Trump

Cabdi Cade

Mareykanka oo isbarbar dhigay dagaalkii ku qabsaday Muqdisho & waxa Israel ku sugaya Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---