Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo ka ka hor timid hadal ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka

Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu walaac ka muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, isla markaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.

“Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier wuxuu ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

“Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.” ayuu intaa ku daray hadalkiisa.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen oo saacado gudahood duqeymo lagu laayey

Caydiid Ali

Marwada 1-aad ee Dalka oo shir uga qeyb gashay Kuuriyada Koonfureed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanada K/Galbeed ma aqbali doonaan dib u doorashada Farmaajo & codsiga Laftagareen

admin