Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland(SEIT) ayaa soo saaray liiska 9 kursi oo katirsan Gollaha Shacabka oo lagu wado in maalmaha soo socda doorashadooda ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Gobolada Waqooyi loona gudbiyay guddiga doorashada Heer Federaal ayaa lagu sheegay in 9-ka sursi oo sumadooda hoos ku xusan tahay doorashadooda Muqdisho ka dhaceyso isbuucan.
Guddiga Doorashada ayaana Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Waqooyi ee soo xulaya ergada kuraastan dooraneysa ugu baaqay in ay beri yimaadaan xaruntooda , iyagoona ku war galiyay in ay sdoo gudbiyaan liiska ergada kuraastan dooraneysa.