Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Janaraaal Odawaa oo ka hadlay

Dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana weerarka kadib halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ayaa dagaal iska caabin  ah la galay dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka madaafiicda ku bilowday ku qaaday garoonka Diyaaradaha Baraawe,

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka xooga kahor tageen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen Garoonka Baraawe ayna jab xoogan ku gaarsiiyeen weerarkaasi.

Waxa uu sheegay Odawaa in Dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ay ka dileen ilaa shan dagaalyahan sidoo kale ka furteen hub ay wateen.

Al Shabaab ayaa weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaqa ku qaada xseryaha iyo goobaha kale ay joogaan ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, weeraradan ayaana waxa aka dhasha khasaaro labada dhinac soo kala gaara.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilaalada Kacaanka Iran oo qabsaday markab xamuul oo xiriir la leh Israel

Caydiid Ali

Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada AMISOM oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

(Video) Rag dilal & Qaraxyo geystay oo la toogtay & Ciidamada Itoobiya oo la qarxiyey

admin
Taboola Ads ---