Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Labo qof oo ku dhimatay Magaalada Burco iyo 11 dhaawac ah ka dib markii..

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil xalay ka dhacay agagaarka degaanka Beer oo dhanka Bari kaga toosan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Shilka Gaari ayaa yimid kadib markii ay fooda isdareen Gaari Bas ah iyo gaari kale waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 Ruux oo kale, kuwaasoo kala saarnaa labada Gaari.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Guddoomiyaha Magaalada Burco ee Somaliland ayaa sheegay in 11 ruux oo dhaawac ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, Afar ka mid ahna ay aad u liidato xaaladooda.

Waxaa ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka gaari, waxaana xalay isbitaalka Burco buux dhaafiyey dad fara badan oo u badan dad ehelo iyo asxaab la ah dhibaneyaasha shilkaas waxyeeladu ka so gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug

Caydiid Ali

Midowga Afrika & EU-da oo si kulul ugu hadlay Weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kheyre oo soo xiray Shir Muhiim ah oo ka socday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---