Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo ku goodiyey inuu talaabo adag ka qaadayo dowlada Itoobiya & TPLF

Mareykanka ayaa labada dhinac dowlada Itoobiya iyo TPLF uga hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono haddii ay dadaallada diblumaasiyada fashilmaan.

Ka hor safar uu toddobaadka soo socda ku tagayo saddex dal oo African ah, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa ku hanjabay inay cunnaqabatayn ku soo rogi doonaan dowladda Ethiopia iyo fallaagada, haddii aysan wadahadal furin.

Fashilka in la gaaro heshiis “waxa uu horseedi doonaa bur-burka Ethiopia, iyo in ay u gudubto dalalka kale ee gobolka, taasina waxa ay dhibaato ku noqon doontaa dadka reer Ethiopia iyo sidoo kale kuwa gobolka,” ayuu Blinken u sheegay wariyeyaasha.

Blinken ayaa hadalkiisa sii raaciyay, “waddada kale waa in la joojiyo dhammaan howl-gallada ciidan ee hadda socda, loo fadhiisto si looga wada xaajoodo xabbad-joojin dhab ah, lana hubiyo in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro dhammaan gobollada ay dadku ku dhibaataysan yihiin.”

Maraykanka ayaa ku canbaareeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, colaadda dhiigga badani ku daatay ee muddada sanadka ah socota, taasi oo boqolaal kun oo qof gelisay xaalado u eg macluul.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uusan hadda cunnaqabateyn saari doonin xubnaha ka tirsan dowladda Ethiopia iyo TPLF si waqti loogu siiyo in ay horumar ka sameeyaan wadahadallada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo amray in laga guuro dhul kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Ku dhowaad 270 dhaqtar oo ka qelin jebiyay Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Benadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Mareykanka oo War kasoo saartay Ansixinta Xukuumadda Cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---