Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qarax Khasaaro xoogan gaarsiiyay dad isku aqoys ah oo ka dhacay magaalada Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro u geestay dad isku qoys ah.

Qaraxa ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhashay walxo aan qarxin oo looga tagay agagaarka Jaamacadda ee degmada Guriceel halkaas ay caruur kasoo qaadeen kadibna garaaceen.

Inta la xaqiijiyay sadex caruur oo isku qoys ah ayaa qaraxa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen caruurta geeriyootay hooyadood iyo cunug kale oo la dhashay.

Maamulka Degmada Guriceel iyo taliska booliiska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna gurmad u fidiyeen qoyska dhibaatada kasoo gaartay qaraxa .

Magaalada Guriceel waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna, waxaana magaalada looga tagay hub aan qarxin oo waxyeelo gaarsiin kara dadka deegaanka.

Related posts

Labo sano ka dib Maxaa ka hirgalay balanqaadyadiii Madaxweyne Farmaajo..?!!

Caydiid Ali

Madaxweyne Kagame oo ka laabtay go’aan uu horey ugu dhawaaqay kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Mareykanka & Israel oo isku khilaafsan arrin ku saabsan dagaalka Gaza

Caydiid Ali