Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay

Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sargaalkaasi soo bandhigay saraakiisha ciidanka uu isku dhiibay.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in Maxamed Xasan Macalin uu Al Shabaab u qaabilsanaa Maxkamada degmada Kuntuwaarey, waxa ayna Wakaalada sheegtay in sargaalkan dadka ka qaadi jiray lacago baad ah.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa warbaahinta dowlada sheegtay in shacabka degmada Kuntuwaarey horey ugu hayay dhibaatooyin badan uuna ku baadi jiray sida ay tilmaameen magaca diinta Islaamka.

Dowlada ayaa dhawaan sidan oo kale usoo bandhigtay nin katirsanaa Al Shabaab oo isna sheegeen in uu kasoo goostay Al Shabaab, waxaana horey marar badan dowlada usoo bandhigtay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweyne Ruto oo ka bilaabatay garoonka Kasarani (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoys Wiilkooda oo laga xaday 30-sano kadib si lama filaan ah u helay !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---