Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Buundooyinka iyo Wadooyinka magaalada Khartuum oo saakay xiran iyo cabsi jirta

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan ayaa sheegaya in saakay gabi ahaan ciidamada amaanka xireen buundooyinka iyo wadooyinka kale ee muhiimka ah ee kuyaala magaalada Khartuum.

Ciidamo badan oo aad u hubeesan ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Khartuum, waxaana ciidamadan loogu tala galay in ay kahor tagaan dibad baxyo waa weyn oo laga cabsi qabo in maanta ka dhacaan caasimada Sudan.

Abaabulka banaan bax weyn ay dhigayaan shacab kasoo horjeeda afgembiga milatariga ee dowladii rayidka aheyd ayaa socda, waxa ayna dadku dalbanayaan in lasoo celiyo xukuumadii rayidka aheyd sidoo kale xabsiga laga daayo masuuliyiinta xir xiran.

Ciidamada milatariga ee mar kale xooga kula wareegay talada dalka Sudan ayaa xabsiga dhigay Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok , Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladii rayidka aheyd.

Shacabka Sudan iyo qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa kasoo horjeeda in milatariga mar kale la wareegaan talada dalka Sudan ayna sameesyaan golle cusub oo hogaamin doona talada dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska UK oo xabsiga ku guray dad is-hortaag ku sameeyay Tarxiilka Muhaajiriinta

Cabdi Cade

Madaxweyne Afrikaan ah oo lacag ku soo rogay qofkii doonaya inuu la kulmo (LA YAAB)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo wada qorshe abuuri kara Xiisad siyaasadeed oo cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---