Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga Oo Muwaadiniinta kasoo jeeda Sadex Dal u Diiday in ay u Dhoofaan Belarus

Turkiga ayaa maanta billaabay dhaqangelinta go’aan muwaadiniinta u dhashay dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen u diidaya inay u dhoofaan waddanka Belarus iyaga oo ka duulaya garoomada diyaaradaha Turkiga. Go’aankan ayaa lagu sababeeyay xiisadda dhinaca qaxootiga ah ee ka aloosan xuduudda u dhaxaysa Belarus oo horey uga tirsanayd waddankii hore ee Midowgii Soofiyeeti iyo Poland.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriir diblumaasiyadeed oo saddex-geesood ah uu dhex maray saraakiisha Poland,Turkiga iyo Yurub kaas oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo qulqulka dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah ku gaaraan Midowga Yurub iyaga oo sii maraya xudduudaha bari.

“Iyada oo laga duulayo dhibaatada la xiriirta in si sharci darro ah looga gudbo xudduudda u dhexeysa Midowga Yurub iyo Belarus, waxaa la go’aamiyay in muwaadiniinta Ciraaq, Suuriya iyo Yemen ee doonaya inay u safraan dalkaasi aanan loo oggolaan doonin inay ka dhoofaan garoomada Turkiga ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda duulista rayidka Turkiga.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Talaadadii diiday eedeynta ah in duulimaadyadeedu ay qeyb ka yihiin abuurista xaaladda tahriibka, dad sharci-darro ahna ay qaaddo”. Waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in macluumaadka noocaas ah “aanay ka tarjumaynin runta.”

Source-Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyey duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wado Laami ah oo laga dhisay Muqdisho oo si rasmi ah Xariga looga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul ka tirsan Guddiga Xakamaynta COVID-19 aabihiis oo u geeriyooday Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---