Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo ka Carootay Sawiro laga sameeyay Boqor Salmaan (Daawo Sawirada)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si weyn uga carootay sawirro ay sameeyeen taageerayaasha kooxda kubada cagta Ain Melilla ee ka dhisan dalka Algeria, kuwaa oo garoonka kusoo bandhigay Sawirro aysan jecleesan dowlada Sacuudiga.

Taageerayaal u dhashay dalka Algeria ayaa garoon ay ku ciyaareesay kooxdooda kusoo bandhigay Sawirka Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan oo wajigiisa qeyb kamid ah lagu dhajiyay Wajiga Donald Trump.

Sawiradan ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada kuwada xariiraan, waxa ayna dadka qaar ku tilmaamayeen Boqorka Sacuudiga labo Wajiile saaxiib la ah Dowlada Mareykanka, waxaana sawiradan carootay Dowlada Sacuudiga oo sheegtay in jawaab ka bixin doonto.

Dhacdadan ayaa kusoo beegan xili maalintii shalay dalka Algeria booqasho uu ku tageen wafdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sacuudiga Cabdallah Bin Maxamed Ibrahim al-Sheikh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo dalab xasaasi ah hor dhigay Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Shirkad caan ah oo shaqaalaheeda siisay fursado yaab leh oo aan horey loo arag

Caydiid Ali
Taboola Ads ---