Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Sheekh Shariif kala hadlay Arin uu Walaac ka muujiyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Rooble Isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu Ra’iisul Wassare Rooble xalay habka fogaan aragga kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

Kulankan ayaa imaanaya xili Sheekh Shariif po Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca dheer ee ku yimid doorashada Soomaaliya gaar ahaan tan golaha Shacabka.

Related posts

Masuuliyiintii lagu waayay Dambiga Musuqmaasuqa oo xabsiga laga sii daayay

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo yeeshay Shir dhowr arrimood looga hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan laga qaaday Xasaanadii Xildhibaanimo kadib mooshin laga gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---