Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday talaabo ka farxisay ajaaniibta ka xoogsada dalkaas

Sacuudiga ayaa dhalasho siiyay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaasoo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda.

Tallaabada waxaa loo arkaa inay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku wajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas.

Sacuudi Carabiya  si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho.

Hadda, tiro dad ah oo aan la cayimin ayaa la siiyay dhalashada, sida lagu qoray warbaahinta dalkaas, waxaana lagu xushay howlkarnimadooda iyo xirfaddooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Cabdicasiis Duurow oo Xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dayax Madoobaad la sheegay in laga arkayo Qeybo kamid ah Caalamka

Cabdi Cade

Puntland oo labgu wareejiyay baabuur loogu tala galay in bulshada loogu adeego (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---