Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Uganda ayaa maanta Xukunno kala duwan ku riday saraakiishii iyo askartii ku lugta lahayd dilka shacabkii degaanka Golweyn ee ka tirsan gobolka Sh/hoose
Laba sarkaal oo ciidanka falkaas geystay Madax u ahaa ayaa lagu Xukumay dil toogasho ah.
Sidoo kale, askartii dilka fulisay ayaa lagu xukumay min 37 sano oo Xabsi ah.
Xukunka ayaa maanta ka dhacay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Waxaana goobjoog ahaa ehelada dadkii la laayay.
Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa horey u isna dhowaan cambaareeyey dhacdada Golwayn, wuxuuna balan qaaday in askartii dilkaasi geysatay la ciqaabayo isla markaana magdhow la siinayo qoysaskii dadkooga la laayay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin, raallina aanay ka ahayn in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com