Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney saaka lagu dilay Muqidsho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Haweeney la sheegay iney ka tirsaneyd ciidamada DF  ayaa saaka lagu dilay agagaarka hoygeeda oo ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumad Dahabo Jimcaale Cali ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xilli ay ku sugeyd guri ay degeneyd oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer).

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo haweeneyda ay dileena ay ku qur baxday isla goobta.

Falalka amni darada ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa xoogeystay 24kii saac ee la soo dhaafay, shalay ayeyna aheyd markii magaalada ay ka dhaceen qaraxyo midkood loo adeegsaday gaari miineysan, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo maanta oo ciidul fitri ah ka inkaarsaday Shacabka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh & Gudoomiyaha Midowga Afrika?

Caydiid Ali

Maxkamad sii deysay nin dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar iyo Xubno kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---