Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano taabacsan Al-Shabaab oo xalay lagu weeraray duleedka degaanka Af-urur

Dagaalo ayaa xalay xilli dambe Ciidamada Puntland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray buuraha waqooyi kaga beegan tuulada Af-Urur ee Gobolka Bari.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii Ciidamada Puntland ee aagaas ku sugan ay weerareen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo isku urursanayay buuraha iskuna diyaarinayey iney soo weeraraan tuulada Af-Urur.

Saraakiil ka tirsan  Puntland ayaa xaqiijiyey in Ciidamadu ay howlgal ka fuliyeen Buuraha dhanka Waqooyi ee tuulada Af-urur iyo wadada aada dhinaca Sugurre.

Faahfaahin kama bixinin saraakiishu khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah waxay marar badan ku qaadeen degaanka Af-urur, halkaasoo ay fariisin weyn ku leeyihiin Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland Ammar dul dhigtay Shaqaalaha Ajaaniibta ee ka howlagala deegaanada maamulkaasi

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Nin isaga oo 19-sano jir ah galay Dambi dagaal oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---