Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil British ah oo tababar milateri u soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed oo tababar u soo xirey  cutubyo ka tirsan Qeybta 60aad ee  Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Waxaa maanta xerada tababarada dowlada UK ee Magaalada Baydhabo tababar loogu soo xirey Ururka 47-aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Waxaana munaasabada xiritaanka tababarka ka qey galay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Dr. Cali Siciid Faqi, Wasiirka Amniga KGS, Isxaaq Cali Subug, Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Maxamed  Shiikh Cabdullahi (Ciirow) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada KGS  Cabdullahi Cali Watiin, Taliyaha howlgelinta ciidamada qeybta 60-aad Gaashaanle dhexe Xasan Ibraahim yarowiyo Mas’uuliyiin kale.

Inta ay munaasabada socotay waxay ciidamadu goobta ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar, iyo dhoolaltus Military.

Waxaa qaarkood maanta la gudoonsiiyey bilado ay ku kala guuleysteen dhinacyada shiishka Aqlaaqda, miino aasida iyo habka loo tuuro qoryaha hoobiyaha.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jan. Maxamed  Shiikh Cabdullahi (Ciirow) oo ka hadlay xiritaanka munaasabada  ayaa ku dheeraadey dardaaran uu u jeediyey ciidamada tababarka loo soo xirayey.

Wuxuu ku dhiirageliyey iney u istaagaan Difaaca dadka iyo dalka iyo ciribtirka wax uu ugu yeeray kooxaha Nabadiidka ee baneystey dhiiga Walaalahooda.

Dr. Cali Siciid Faqi ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS ayaa mahad-celin ballaaran u jeediyey Saraakiisha ciidamada UK ee had iyo jeer tababara ciidamada qeybta 60-aad iyo Macalimiinta dugsiga tababarka ee  Magaalada Baydhabo.

Dhowrkii bilood  ee la soo dhaafey ururkaan 47-aad ee qeybta 60-aad waxaa u socdey tababar ciidan oo dhan walba leh, waxaana ciidamadaan loo Tababarey dhinacyada Shiishka, Miino baarista , Miino’aasida, hagida iyo tuurida hoobiyaha iyo sidoo kale casharada kale ee ciidan.

Related posts

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

(Sawirro) Xamse Barre oo furay xarun qeyb ka ah dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Madax katirsan IOM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---