Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan ay yeesheen Rooble & Madax Goboleedyada oo go’aan culus laga soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Maxamed Xusseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka  ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xusseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili guddiga doorashooyinka heer federaal ay soo saareen Jadwal cusub oo la xiriira bilaabashada iyo dhameystirta doorashada golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo si kulul u Weeraray hab dhaqanka Madaxda dowlada Somalia

Caydiid Ali

Taliban oo ICC ka dalbatay in Mareykanka Maxkamadeyso haddii caddaalad jirto

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo saakay lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho iyo Cabsi laga qabo in …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---