Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Miisaaniyada Maamulka Galmudug ee sanadka 2022 oo la ansixiyey (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ka hadlay qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Xildhibaano ku naf waayey qarax weyn oo lagula eegtay degaanka..

Caydiid Ali

Dahabshiil oo abaal marino siisay qaar kamid ah Macaamiisheeda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---