Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Gorod oo amar adag ku soo rogay ciidamada dowlada ee isticmaala Qaadka

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa ciidamada dowladda uga digay inay isticmaalaan maan dooriyeyaasha sida Qaadka.

Jen. Gorod ayaa sheegay in ciidamada ay mamnuuc ka tahay qaadka xilliyada ay waajibaadka qaran gudanayaan ama ay shaqooyinka ku jiraan.

“Ciidamada guud ahaan waa ka mamnuuc Qaadka, wixii Qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira albaabka ayay ka baxayaan, Tuutaha iyo qoriga ayaa laga reebayaa” ayuu yiri Taliye Gorod.

Hadalkan ayuu Taliyaha ka jeediyay tababar loo furay illaa boqol askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Ilaalada madaxtooyada.

Ciidamada dowlada qaarkood ayaa hab ka baxsan anshaxa ciidannimo waxay waddooyinka ugu cunaan Qaadka, iyagoo howlgalo ku jira, waxaana horey isku dayo badan oo qaadka looga joojinayo ciidanka inkastoo aan lagu guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay isaga oo aad u careesan

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo ciidamo hubeysan kala soo degay Muqdisho

Cabdi Cade

Qaar kamid ah goobaha ganacsi ee kuyaalla xaafada Islii oo saakay xiran iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---