Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo qaaday talaabo cusub oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi, xili Nabad la filayey

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo cusboonaysiiyay cunaqabatayno cusub oo uu kusoo rogey Kuuriyada Waqooyi, xili 10 maalmood ka hor ay ahayd markii uu Singapore kula kulmay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un.

Shirkaasi isaga ah, Trump waxa uu yiri “Kuuriyada Waqooyi halis niyuukleer kuma hayso dunida”.

Talaabadan ayaa imanaysa xili ay muuqatay saansaan isu soo dhawaansho ah, iyadoo Maraykanka uu joojiyay carbis ciidamada Kuuriyada Koonfureed uu la lahaa , taasoo qeyb ka ahayd waxyaabihii lagu heshiiyay.

Xildhibaanada xisbiga Dimoqoraadiga ayaa sheegay in luuqada lagu qorey cunaqabataynta ay ka duwantahay hadalkii uu ku hadlay Trump markii uu la shirey Kim.

Kulankii Singapore waxa ay labada hoggaamiye saxiixeen heshiisyo, waxaa ka mid ahaa in Maraykanka uu damaanad qaado amniga Kuuriyada Waqooyi, iyada oo dalkana uu burburiyo hubka Niyuukleerka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto illaa ay ka miro dhalayaan wadahadalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo maanta oo ciidul fitri ah ka inkaarsaday Shacabka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Magacyada dadkii ku dhintay Dayuuradii ku burburtay Berdaale & Masuuliyiin ka hadlay

Caydiid Ali

Saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---