Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay bulshada ku dhaqan Balcad (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray magaalada Balcad.

Rooble iyo madaxda la socotay ayaa kulan is xogwareysi ah gudaha degmada Balcad waxa ay kula qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada sida Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada Degmada.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana ku amaanay shacabka ku dhaqan degmada Balcad dowlad jaceylka iyo sida ay uga shaqeeyaan amaanka degmada, waxa uuna u balan qaaday in dowlad mashaariic kala duwan ka fulin doonto degmada Balacda.

Safarka uu maanta ku tagay Ra’isul Wasaare Rooble degmada Balcad ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu halkaas ku tago, waxaana safarkan Ra’isul Wasaaraha ku wehliyay Wasiiro, Xildhibaano iyo taliyaal ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ku goodiyey iscasilaad haddii la fulin waayo hal arrin

Caydiid Ali

Banaan bax rabshado watay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kadib dil loo geestay …

Cabdi Cade

Guddoomiye Waaxeed caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---