Allbanaadir.com
NEWS

Hawlgalka AMISOM oo beeniyey eedeymo culus oo uga yimid saraakiisha Milateriga Somalia

Hawlgalka AMISOM ayaa beeniyey eedeymo loo jeediyey oo sheegayey inaysan ciidankooda si dhow ugala shaqeynin Ciidanka dowlada sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen awoodda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Hawlgalka AMISOM waxaa lagu sheegay inay ciiddanka dowlada si buuxda isaga kaashadaan sidii lagu dhisi lahaa awoodooda la-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo deganaanshaha Somalia.

Qoraalka Taliska AMISOM ayaa waxaa uu jawaab u ahaa hadal ka soo yeeray Saraakiisha Milliteriga ee ku sugan Jubbooyinka oo ku eedeeyey ciiddanka AMISOM ineysan ka taageerin dagaalkii ay dhawaan Alshabaab kula galeen degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Kumanaan ka tirsan Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa jooga gobaladda Jubbooyinka kuwaasoo intooda badan la sheego inay iyaga iyo Maamulka Jubbaland ku mashquulaan canshuuraha ay  ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo AMISOM ka aqbalay qodobo uu ka diiday dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Sacuudiga oo xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 oo qof

Cabdi Cade

Masuul katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---