Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa sii deysay Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale waxaa loo heystay inuu ka dambeey dil loo geystay Marxuum Cabdulla Maalin Maxamed oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018 kaasoo ka dhacay degmada Yaaqshiid.
Warranto ayaa Ciidamada Amniga soo qabteen 8/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta 21/05 ee isla sanadkan.
Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida 04/06/2018 waxay sameeyeen dacwad ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto), waxayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo dilka Marxuumka kor ku xusan.
12 Bishan ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.
Dood dheer ka dib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareen in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday inuu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaana uu u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda inuu yahay Cabdullaahi Xasan AxmEd Maalin (Warranto) Shaqsi laga been abuuranayo.
Garsoorayaasha Maxkamadda iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markhaati ehel la’ah Marxuumka ayaa go’aan ku gaaray in Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) uu yahay xor, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo haddii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com